Kulankan oo ahaa kulan muhiim u ah wadashqeynta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka iyo Xafiisyada Hantidhawrayaasha Guud ee Dowlad Goboleedyada si waafaqsan qodobka 11aad ee Sharciga Maareynta maaliyadda guud (Sharci Lr 17, 25/12/2019 ayaa Hantidhowrayaasha labada heer ee dowladdu waxa ay uga wadahadleen hirgelinta heshiiska wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhexeeya heerarka kala duwan ee Xafiisyada Hantidhowrrada iyo shaqooyinka wadaagga ah ee dhinacyada horumarinta, isla-xisaabtanka, daahfurnaanta, la talinta hay’adaha labada heer ee dowladda, diiwaangelinta heshiisyada ay darafka ka yihiin hey’adaha dowladda iyo illaalinta hantida qaranka.
Hantidhowraha Guud ee Qaranka Abuukaate Guutaale oo furay kulanka ayaa soo dhawayn iyo mahadcelin kaddib waxa uu madaxda hantidhowrayaasha Dowlad Goboleedyada dalka dulmar kooban ka siiyey warbixin baariseedkii 2022 ee dhawaan uu soo saaray XHGQ, si gaar ah Hantidhowruhu waxa uu dul istaagay sida ay muhiimka u tahay iskaashi iyo wadashaqeyn dhexmarta xafiisyada hantidhowrayaasha labada heer ee dowladda.
“Waa lama huraan in heerarka kala duwan ee xafiisyada hantidhowrka JFS ay qaadaan tallaabooyin lagu hubinayo laguna diiwaan galinayo hantida qaranka ee leh dhulal iyo dhismayaal, kuwaas oo ku jira gacmo gaar ah si loo ilaaliyo hantida” ayuu yiri Hantidhowaha Guud ee Qaranka Abuukaate Guutaale”
Sidoo kale Hantidhowradu Waxa ay ku nuuxnuuxsadeen in loo baahan yahay dib u eegis lagu sameeyo shuruucda Hantidhowr ee heer dowlad goboleed marka la ansixiyo sharciga Hantidhowrka Dowladda Federaalka. Dib-u-eegidda ayaa ah in la mideeyo oo la dhiso hay’ado hantidhawr oo midaysan mustaqbalka dhowna ka baaraandega soosaaridda warbixin baariseed mideysan oo ka kooban heer federal iyo heer dowlad goboleed.
Ugu dambeyntii, Abuukaate Guutaale, Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ansixinta iyo saxiixidda heshiiska iskaashiga hantidhowrka gaarka ah, kaasi oo u sahlay in kooxo baarayaal ah oo ka tirsan XHGQ ay hadda u joogaan howlo baariseed Dowlad Goboleedyada dalka, taasi oo fududeyneysa taageerada iyo wadashaqeynta xafiisyada hantidhowr ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.