Sida ku cad Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud Lr. 17 ee 2019 iyo Sharciga Hantidhowrka Guud Lr. 14 ee 2023, marka ay dhammaato shaqada baaristu, Hantidhowrka Guud waa in uu madaxa hay’adda dowladda ee ay arrintu khusayso siiyo warbixin qoran oo ay ku jiraan waxyaabaha ka soo baxay baarista, talooyinka hantidhowriseed, iyo arrimaha u baahan in la saxo. Sidoo kale, madaxa hay’adda dowladdu waa in uu Xafiiska Hantidhowrka Guud siiyo jawaab-celin qoraal ah oo muujinaysa sida loo saxayo loona hirgeliyey talooyinka la siiyey.
Warbixinnadaas iyo talooyinkaas waxa ay khuseeyaan arrimo muhiim u ah maareynta maaliyadda iyo maamulka hay’adda. Waxaa ka mid ah natiijooyinka la xiriira ilaalinta hantida, joogteynta shaqada, beekhaaminta dakhliga, ku filnaanta iyo wax-ku-oolnimada habka loo maamulay maaliyadda dowladda. Waxaa kale oo ay taaban karaan gaabis kasta oo ka jira nidaamka ilaalinta iyo korjoogteynta maaliyadeed ee gudaha, diiwaannada asaasiga ah ee aan si sax ah loo dhowrin, habraacyada aan ku filneyn ilaalinta hantida dowladda, iyo sida ay hay’addu uga falcelisay talooyinkii hore iyo qaraarradii ka soo baxay Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Haddaba, shaqada hantidhowrku kuma koobna oo keliya soo saarista natiijooyin muujinaya khaladaad maaliyadeed, kuwa u hoggaansanaan sharci, ama kuwo maamul. Sidoo kale, kuma eka warbixin sannadle ah oo la diyaariyo. Hantidhowrku waxa uu door muhiim ah ka qaataa ilaalinta maamul wanaagga, hufnaanta, daahfurnaanta, iyo isla-xisaabtanka. Isaga oo ka duulaya Sharciga Hantidhowrka, Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud, Sharciga Iibka Qaranka Lr. 22 ee 2016 iyo wax ka beddelkiisa Lr. 20 ee 2020, iyo sharciyada kale ee khuseeya, Hantidhowrku waxa uu bixiyaa talooyin lagu horumarinayo hannaanka maamulka, laguna ilaalinayo hantida guud. Sidaas darteed, waxtarka dhabta ah ee warbixinta hantidhowrku waxa ay muuqataa marka ay hay’adaha dowladdu fuliyaan talooyinka lagu saxayo khaladaadka jira, laguna joogteynayo horumarka.
Fulin la’aan kasta oo ku timaadda talooyinka hantidhowrku waxa ay horseedi kartaa kororka khataraha hantidhowriseed, soo noqnoqoshada maamul xumida, iyo abuuranka fursado wax isdaba marineed. Is biirsiga arrimahaas waxa ay sababi karaan daciifnimo ku timaadda adeegyada guud ee dowladda, hoos-u-dhac ku yimaadda isla-xisaabtanka, iyo kalsooni darro ku dhalata canshuur bixiyeyaasha iyo guud ahaan shacabka.
Fulinta talooyinka hantidhowrku waxa ay leedahay muhiimad gaar ah xilligan oo ay Soomaaliya ku jirto xoojinta hay’adaha dowladda, hagaajinta nidaamyada maamulka, iyo dhismaha kalsoonida dadweynaha. Sidaas awgeed, talooyinka hantidhowrka ma aha dhaliil ama ceebeyn. Waa aalad lagu saxo laguna hormariyo habraacyada shaqo, lagu adkeeyo isla xisaabtanka, laguna xoojiyo nidaamka maamulka hay’adaha dowladda. Haddii si sax ah loo qaato loona fuliyo, waxa ay hay’adaha ka caawinayaan in ay sameeyaan isbeddel wanaagsan oo la xiriira maamulka shaqada, ilaalinta dakhliga dowladda, iyo tayeynta wadashaqeynta hay’adaha.
Dhab ahaantii, hay’ado ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si waxtar leh u fuliyey talooyinka hantidhowrka ayaa sameeyey isbeddello muuqda. Horumararada ay hirgeliyeen waxaa ka mid ah hoos-u-dhigidda khaladaadka soo noqnoqda, hagaajinta maamulka miisaaniyadda, kor-u-qaadidda kartida shaqaalaha iyo horumarintooda, diiwaangelinta heshiisyada iyo qandaraasyada, hagaajinta diiwaannada, gaar ahaan adeegsiga nidaamyada elektaroonigga ah, iyo dhaqangelinta mabda’a kala soocidda waajibaadka (Segregation of Duties-SoD). Tani waxa ay muhiim u tahay ka hortagga wax-isdaba-marinta, khiyaanada, khaladaadka ula kaca ah iyo kuwa aan ula kac ahayn, iyo sidoo kale in la joojiyo in shaqaale ay qabtaan hawlo aan loo idman (unauthorized activities).
Tusaale ahaan, ka hor Baaristii Gaarka ahayd ee Hnatidhowrka Guud ku sameeyey adeegga kordhinta fiisaha oo ay bixiso hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda iyo adeegga rukhsadda shaqada oo ay bixiso Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada, dakhliga dowladda uga soo xarooday labadaas adeeg sanadihii 2021 iyo 2022 waxa uu ahaa ku dhowaad US $5 Milyan, hayeeshee Baaristaas kaddib, dakhliga dowladda uga soo xarooday labadaas adeeg, sannadihii 2023 iyo 2024, waxa uu gaaray ku dhowaad US $15 milyan, taas oo muujisay isbeddel wax-ku-ool ah oo ay sameeyeen hay’adahaasi, kadib fulinta talooyinka hantidhowrka Guud.
Marka aan eegno xogta sooyaalka fulinta talooyinka hantidhowriseed intii u dhexeysay 2018 ilaa 2024, waxa ay muujinaysaa in heerka fulintu uu ahaa mid is bedbedelaya. Sannadkii 2018, talooyinka la fuliyey waxa ay ahaayeen 6% oo keliya, halka 94% aan la fulin. Sannadkii 2019, fulintu waxa ay kor u kacday 24%. Sannadkii 2020, waxa ay gaartay 34%. Hase yeeshee, sannadkii 2021 waxa ay dib ugu dhacday 13%, taas oo muujinaysay in ay jireen caqabado la xiriira fahamka ujeeddada iyo muhiimadda fulinta talooyinka hantidhowrka. Sannadkii 2022, fulintu waxa ay mar kale gaartay 35%, halka sannadkii 2023 ay ahayd 30%.
Si kastaba ha ahaatee, xogta sannadka 2024 ayaa muujinaysa sawir ka duwan kuwii hore, isla-markaana xambaarsan rajo wanaagsan. Kadib wacyigelin joogto ah, dhaqangelinta sharciga cusub ee hantidhowrka, dib-u-qaabeynta xiriirka u dhexeeya Hantidhowrka Guud iyo hay’adaha la hantidhowrayo, iyo xoojinta dabagalka talooyinka, natiijooyinka sannadka 2024 waxa ay muujiyeen horumar muuqda. Talooyinka la siiyey hay’adaha la baaray, 46.9% waxaa loo fuliyey si dhammaystiran, 32.7% waxaa loo fuliyey qayb ahaan, halka 20.4% ay wali ku jiraan heer sugaya fulin. Tani waa isbeddel wax-ku-ool ah oo tilmaamaya kororka fahamka shaqada hantidhowrka iyo aqbalidda muhiimadda fulinta talooyinkiisa. Waxaa kale oo ay muujineysaa in ay mira dhaleen siminaaro, doodo, wacyigelin iyo kulamo aqoon-is-weydaarsi ah oo Xafiiska Hantidhowrka Guud la yeeshay hay’adaha dowladda.
Doodahaas iyo wacyigelinadaas Xafiiska Hantidhowrka Guud iyo la xisaabtanka Guddiyada Maaliyadda ee Baarlamaanka la yeesheen hay’adaha dowladda waxa ay muujiyeen in hay’adaha la baaro ay isugu jiraan afar nooc oo waaweyn. Qaar waa hay’ado iska caabbiya baarista, oo u arka eedeyn ama faragelin, kuwana waa hay’ado is dhaafiya baarista, oo aan siin muhiimadda ay mudan tahay, halka qaar kale ay aqbalaan khaladaadka jira, balse dib bay u dhigaan sixidda iyo hirgelinta. Qaybta ugu wanaagsanina waa hay’ado u roga baarista fursad horumarineed, oo talooyinka u arka waddo lagu xoojinayo nidaamkooda iyo waxqabadkooda.
Gabagebadii, fulinta talooyinka hantidhowrku waa halka ay ka bilaabato faa’iidada dhabta ah ee baarista. Waa jidka lagu hagaajin karo nidaamyada dowladda, lagu yarayn karo khasaaraha, laguna xoojin karo kalsoonida shacabka. Xogta 2024 waxa ay bidhaamineysaa horumar muuqda oo ka wanaagsan sannadihii hore, balse wali waxaa loo baahan yahay dadaal dheeraad ah, si talooyinka qayb ahaan la fuliyey loogu beddelo fulin buuxda, kuwa wali harsanna loo dhaqaajiyo. Soomaaliya, oo ay hay’ad dhisiddu wali mudnaan qaran u tahay, fulinta talooyinka hantidhowrku waxa ay ka mid tahay tiirarka lagu adkeyn karo dowladnimada, lagu ilaalin karo hantida guud, laguna horumarin karo adeegyada loo hayo shacabka. Sidaa darteed, qiimaha warbixinta hantidhowrku kuma koobna talooyinka ku qoran oo kaliya, balse waxa uu ku jiraa heerka hirgelintooda iyo saamaynta ay ku yeeshaan nolosha muwaadiniinta.


