HANTIDHOWRAHA GUUD OO KA HADLAY HABRAACA HESHIISYADA IYO HANNAANKA MAAMULKA HANTIDA DOWLADDA.

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn

Muqdisho, August 23, 2023 – Hantidhowraha Guud ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Guutaale oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka hadlay arrimo muhiim u ah maamulka iyo maaraynta maaliyadda guud ee DFS, isla-xisaabtanka, daahfurnaanta iyo la-daagallanka musuqa taas oo sare u qaadeysa fududeynta adeegga bulshada.

Si gaar ah Hantidhowraha Guud ayaa shirkiisan jaraaid ku faahfaahiyey sida ay muhiimka u tahay Hagaajinta Maamulka hantida guud ee dowladda, Hubinta Waafaqsanaanta Sharuucda Soomaaliya ee dhammaan Heshiisyada u dhexeeya hey’adaha DFS iyo Shirkadaha Shisheeyaha ah, Hubinta Waafaqsanaanta Sharuucda Soomaaliya ee dhammaan Heshiisyada u dhexeeya hey’adaha iyo Shirkadaha Waddaniga ah Iyo Fulinta talooyinka hantidhowrista ee ku soo baxay Warbixinada Hantidhowrka ee sannad-maaliyadeedkii dhammaaday ee 2022.

Si waafaqsan qodobka 38aad ee Sharciga Maareynta maaliyadda guud farqadaha 4aad iyo 5aad, hantidhowraha Guud ee Qaranka ayaa adkeeyey in Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka iyo Xafiiska Hantidhowrka dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka laga diiwan geliyo dhammaan heshiisyada deeqaha Hay’adaha Dawladda, Dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha ganacsiga ee Dawladda.

“Hay’adaha aan dowliga ahayn ee fuliya mashaariicda mid horumarineed iyo mid bani-addamnimo ee laga maalgeliyo lacagta Dawladda, ayna ku jirto lacagta deeq-bixiyeyaasha, waxaa masu’liyadda lagula xisaabtmiyaa Sarkaalka Idman ee Hay’addaas, sida ku cad qodobka 38aad ee Sharciga Maareynta maaliyadda guud farqadaha 4aad iyo 5aad” ayuu yiri Hantidhowre Guutaale.

Hantidhowaha ayaa sidoo kale sheegay iyadoo la raacayo qodobka 4aad (Shari Lr 17, 25 Dec, 2019) in dhammaan dakhliyada dowladda ee laga qabto adeegyada ay bixiso dowladdu, heshiisyada kirada, dheef-wadaagga iyo dhammaan dakhliyada lagu qabto magaca dowladda lagu soo xereeyo lagana maamulo sanduuqa mideysan ee Qaranka (Treasury Single Account). Dakhliga Dowladda Federaalka waxa ku jira dhammaan lacagaha ay qabtaan hay’adaha Dowladda kana yimaadda Canshuur kasta, oo ay ku jiraan Canshuurta Dakhliga, Macaashka, Badeecadaha iyo Adeegyada, Ganacsiga Caalamiga ah iyo macaamil iyo dheefsi kale oo maaliyadeed oo ku yimaada magaca dowladda Soomaaliyeed.

Hantidhowraha oo tixraacaya warbixinta u hoggaansanaata sharciga ee Xafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranku  soosaaray 2023 kuna saabsanayd baaristii 2022 taas oo lagu xusay in dhulal iyo dhismayaal dowladeed oo tiradoodu tahay 436 oo ay leeyihiin hay’adaha la baaray sanadkaas ay ka maqan yihiin gacanta iyo maamulka hey’adaha dowladda ayna ku jiraan gacanta Shirkado, Ururo iyo shaqsiyaad caadi ah ayaa si looga baaqsado halis iyo khatar ku timaadda dakhliga dowladda (Heshiisyada dheef-wadaagga Waddani iyo Caalami, Canshuuraha, ganaaxyada iyo Kirooyinka) iyo guud ahaan hantida Qaranka, loogana fogaado si xun u maamulidda bixinta heshiisyada adeegga dowladda ayaa waxa uu faray dhammaan hey’adaha dowladda federaalka oo ka kooban 69 hey’adood oo kujira qoondada miisaaniyadda uu ansixiyey Baarlamanaka Federaalku in ay hubyaan in ay heshiis sax ah kula jiraan hay’adaha gacanta ku haya hanti dowladdu leedahay.

Gabangabadii Hantidhowraha Guud ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa adkeeyey in sifo sharci ah loo marao Habraaca Heshiisyada Dheef-wadaagga ah ee Shirkadaha Shisheeye, Shirkadaha Waddaniga ah, Hannaanka Maamulka Hantida dowladda sidoo kalena hay’adaha dowladda ee la baaray sannadkaan ay fuliyaan Talada Hantidhowrista Baarista 2022.

More to explorer