Hantidhowrka guud ee Qaranka, Xisaabiyaha Guud iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kawadahadlay Maareynta Dakhliga ay qabtaan Safaaradaha DFS ku leedahay dibadda.

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn

Muqdishu, 13, August 2023: Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda Xildhibaan Cali Cumar (Cali Balcad), Hantidhowraha guud ee Qaran Avv: Axmed Ciise Guutaale iyo Xisaabiyaha guud ee dowladda Cabdiraxmaan Maxamed Anas ayaa maanta kawadahadlay muhiimadda dhaqangelinta Sharciyada Maareynta maaliyadda guud iyo Sharciga Shaqada Arrimaha dibadda, sidaas oo kale kulanka saddexda dhinac ayaa ku saabsanaa sida ugu habboon ee Dakhliga ay qabtaan safaaradaha DFS ku leedahay dibadda ugu soo xaroon lahaa khasnadda dhexe ee dowladda.

Kulanka Hantidhowrka guud ee Qaranka, Xisaabiyaha Guud iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa daba-socday Warbixinta Baarista 2022 ee Xafiiska Hantidhowrku soosaaray horraantii Agoosto-2023, taas oo muujisay khaladaad la xariira dhinaca  maareynta dakhliga ay Safaaradaha DFS ay ka qabtaan adeegyada ay bixiyaan.

 Kulanka ayaa xoogga saaray xal u helidda maareynta dakhliga iyo u hoggaansanaanta Sharciga ee Safaaradaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana intii uu kulanka socday musuuliyiintu isdul-taageen sida ay muhiim u tahay; dhaqangelinta Sharciga Shaqada ee Arrimaha Dibadda Lr. 112 ee soo baxay 2013 iyo soosaridda xeernidaamiyaha Sharciga Shaqada Arrimaha Dibedda si uu u fududeeyo ku dhaqanka iyo dardargelinta Sharciga.

Intii uu kulanku socaday, masuuliyiintu waxa ay tilmaameen muhiimadda ay leedahay in safaarad walba yeelato ama sameysato miisaaniyad maangal ah oo ay ku fuliso howlaheeda iyo in nidaamka gunnada, qarashka howlgalka iyo mushaarka lagu saleeyo qiimaha nolosha dalka ay safaaraddu ku taallo, waxa kale oo si gaar ah dhinacyadu uga doodeen iswaafajinta waajibaadka iyo xuquuqaha diblumaasiyiinta iyo howl-wadeenadda safaaradaha.

Waxa ay sidoo kale dhinacyadu isla qaateen dhaqangelinta talooyinka kuu soo baxay Warbixinta Hantidhowrka  sida diyaarinta iyo hirgelinta xeer-nidaamiyaha Sharciga shaqada dibadda, teriifo mideysan oo lagu ururiyo dakhliga Safaaraddaha iyo dardargelinta hubinta gudaha iyo u hoggaansanaanta shuruucda.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda Xildhibaan Cali Cumar (Cali Balcad), Hantidhowraha guud ee Qaran Avv: Axmed Ciise Guutaale iyo Xisaabiyaha guud ee dowladda Cabdiraxmaan Maxamed Anas ayaa isla gartay in ay lama huraan tahay in  ergooyinka DFS ee dibadda ay u hoggaansamaan nidaamka maaliyadeed ee dowladda (PFM Act) ee soo baxay 2019 iyo sharciga shaqada arrimaha dibadda oo soo baxay 2013.

Ugu danbeeyn, hatidhowraha ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Xafiiska Xisaabiyaha guud waqtiga iyo dadaalka ay ku bixiyeen dhaqangelinta talada hantidhowris ee Xafiiska Hantidhowrka isaga oo ku dhiirigeliyey dib u sixidda cilladaha ka taagan Nidaamka maareynta dakhliga dowladda uga soo xarooda ilaha dakhli ee kooban.

 

More to explorer