Shirweynaha Xafiisyada Hantidhowrka Guud Ee Labada Heer Ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ayaa Lagu Soo Gabagabeeyey Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Dalka.

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn

04-June- 2024 – Shirwaynaha oo muddo saddex maalmood ah socday abaabulkiisa iyo qabsoomidiisana uu lahaa Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa waxaa ka soo qeyb galay Hantidhowraha Guud ee JFS Abuukaate Axmed Ciise Guutaale, Hantidhowraha Guud  ee dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Bashiir Maxamed Bahale, Hantidhowraha Guud ee dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Xaashi Cismaan Maxamed, Hantidhowraha Guud ee dowlad-goboleedka Koofur-galbeed Mudane Maxamed Cumar Axmed iyo ku simaha Hantidhowraha Guud ee dowlad-goboleedka Hirshabelle Marwo Maryan Maxamuud Cumar, ku xigeennada xafiiska hantidhowrka Guud ee JFS, agaasimeyaal iyo hawl-wadeeno kala duwan oo ka tirsan Xafiiska Hantidhowrka Guud Ee JFS Iyo Xafiisyada Hantidhowrka DXDF.

Shirka ayaa muddadii uu socday waxaa lagu soo bandhigay istiraatiijiyadaha, hannaanka sharci iyo xeerarka ay ku howlgaan Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS Iyo Xafiisyada Hantidhowrka DXDF, sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray falanqeynta fursadaha, caqabadaha iyo iskaashiga heer Qaran ee Xafiisyada Hantidhowrka iyo hannaanka wadashaqeynta Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee labada heer ee dowladda taas oo dhammaan kasoo qeybgalayaashu muujiyeen sida ay waqtigaan muhiimka u tahay.

Hantidhowraha Guud ee JFS Abuukaate Guutaale oo furay shirka ayaa mahadcelinta kasoo qeybgalayaasha kaddib waxa uu ka hadlay muhiimadda sare ee uu leeyahay kulankan ay isugu yimaadeen hantidhowradda Guud iyo howlwadeennada Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee Labada Heer ee JFS waxaa uuna yiri “Runtii waa fursad muddo dheer laga shaqeynaayey in ay timaaddo, suurtagasho in labada heer ee hantidhowrku isku yimaado, laga wada hadlo sida loo wada shaqeyn karo, waxa la wada qaban karo iyo sida loo hormarin karo masaalixda iyo danaha ka dhexeeya labada heer ee  Hantidhowrada dowladda”.

Hantidhowraha Guud oo sii hadlaya ayaa intaa ku daray “In shirkan oo socon doona saddexda bari ee soo socota loogu talagalay in lagu dejiyo qorshaha horumarinta, wadashaqeynta isfahamka iyo isbarashada labada heer ee Xafiisyada Hantidhowrka, wixii fursado ah ee la heli karo lagana wadashaqeyn karana ay ka wadashaqeeyaan xafiisyadu.

Dhanka kale Hantidhowrada Guud ee Xafiisyada Hantidhowrka DXDF oo Iyana kalmado ka jeediyey furitaanka shirka ayaa ugu horreyn XHG uga mahadceliyey suuragalinta iyo qabsoomidda shirkaan waxayna hantidhowrada Guud muujiyeen sida ay muhiimka u tahay in la iskaashado gaar ahaan sida ay xafiisyadooda baahi weyn ugu qabaan in XHG uu qeyb wax-ku-ool ah ka qaato tayeynta iyo sare u qaadista xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha ka howlgal xafiisyada hantidhowrka Guud ee DXDF.

Waxa ay sidoo kale adkeeyeen in la helo wadashaqeyn ka dhow sidii hore oo ay yeeshaan labada heer ee Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee Dowladda iyo dhisidda qaabdhismeedka heshiiska iskaashiga (Cooperation Framework Agreement) kaas oo qeexaya wax kasta oo muhiim u ah wadashaqeynta labada heer ee Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee Dowladda, arrimaha la iska kaashanayo ama laga wadashaqeynayo iyo sida loo wadashaqeynayo.

Soo bandhigista istiraatiijiyadaha, hannaanka sharci iyo xeerarka ay hadda ku howlgaan Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee Dowladda, wadaagista khibradaha iyo waayo aragnnimada baaritaannadii xafiisyadu sameeyeen sanadihii ugu dambeeyey iyo falanqeynta fursadaha, caqabadaha ay wajahayaan xafiisyadu si gaar ah XHG ee DXDF ayaa ugu dambeyn gunaanadkii shirka waxaa lagu dhisay guddiga soo diyaarinta Qaabdhismeedka Heshiiska Iskaashiga (Cooperation Framework Agreement) kaas oo gudihiisa lagu qeexi doono hannaanka wadashqeynta iyo iskaashiga labada heer ee Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee Dowladda.

More to explorer