Waxaa maantay xarunta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ku qabsoontay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Gutale iyo Hantidhawrihii hore Mudane Maxamed Maxamud Cali.

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn

Waxaa maantay xarunta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ku qabsoontay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Gutale iyo Hantidhawrihii hore Mudane Maxamed Maxamud Cali.

Hantidhawrihii hore ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamud Cali oo si rasmi ah u furay Munaasabadda Xilwareejinta ayaa dulmar guud ku sameeyay waxyaabihii u qabsoomay Xafiiska muddadii shanta sano ahayd ee uu joogay isaga oo tilmaamay in laga mirodhaliyay qodobbo badan oo ka tirsan yoolashii lagu hormarinay Xafiiska.

Hantdihawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Guutaale oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa dhankiisa ku nuuxnuuxsaday sooyaalka shaqo iyo taariikheed ee Xafiiska isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in horay loo sii dhaqaajiyo hawlaha baaxadda leh ee ku aaddan taabbagalinta isla-xisaabtanka iyo adkaynta dawlwad wanaagga ee uu Xafiisku u hayo qaranka. Hantidhawraha Guud ayaa tilmaamay inuu ahmiyad gaar ah siin doono dhammaystirka ansixinta Sharciga Hantidhawrka Guud, isaga oo sidoo kale ballanqaaday dardargalinta wadashaqaynta bahwadaagta caalamiga ee Xafiiska ka taageera dhanka horumarinta.

Ugu danbayn, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac oo si rasmi ah u soo afmeeray kulanka ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka shaqo ee uu Xafiisku ka gaaray gudahsada waajibaadkiisa qaran, isaga oo u mahadceliyay hantidhawraha xilka ka dagay. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sidoo kale u rajeeyay Hantidhawraha Guud ee xilka la wareegay guul iyo inuu sii dardargaliyo hawlaha hantidhawris ee Xafiisku uu u igmanyahay.

More to explorer